Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo ka jawaabay qoraalkii ka soo baxay Rooble

Qoraal ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa waxaa looga hadlay tilaabadii uu Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku kala diray Xubnaha Guddiyadii Doorashada Heer Federaal iyo mid Dowlad Goboleed.

Hoos ka akhriso qoraalka Feit

Guddigu Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT waxa uu uga mahadcelinaynaa Ra’iisulwaasaraha JFS Mudane Eng. Maxamed Xuseen Rooble magacaabistiisii guddiyo aqoon durugsan u leh maamulka doorashada, si dhabar adayg leh oo hufnaani ku dheehantahay ku maamulay doorashadu intii ay socotay. Sidoo kale hagistiisii iyo iyo garab istaaggii uu muujiyey waqtiyadii adkaa ee doorashada oo aan la’aantiis la dhaqaajin kareen laga gudbi kareen culeysyo badan oo soo food saaray doorashada Dalka.

Guddigu wuxuu sidoo kale uga mahadnaqayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo dhammaan daneeyeyaashii doorashada sidii wanagaasaneyd ee ay u garab istaageen una dhiirrigeliyeen mudadii ay doorashadu socotay.

Guddigu wuxuu ugu danbeyn u mahadcelinayaa dhammaan guddiyada doorashada Heerarkooda kala-geddisan sidii kartida lahayd ee ay ugu hagar baxeen shaqadii loo igmaday ee caqabadaha kala duwan huwanayd oo isugu jiray mid dhaqaale, mid mid siyaasadeed, kuwo amni intaba.

Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumaddaba in Alle u fududeeyo waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday, dalkana ku hoggaamiyaan si hufan oo keeni karta xasillooni, horumar iyo barwaaqo, si nidaamkeenna dowladnimo u noqdo mid hana qaada.

- Advertisement -