Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Abiy oo Madaxweynihii maamulka Oromada iyo Siyaasi kale oo caan ah Wasiiro ka dhigay

Ra’isul Wasaaraha Dowlada Itoobiya Abiy Axmed ayaa magacaabay Sadex Wasiir oo kamid noqonaya Xukuumadiisa cusub, waxa uuna xilal Wasiiro u magacaabay Siyaasiyiin caan ka ah gudaha Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga Itoobiya u magacaabay Lemma Megresa oo ahaa Madaxweynihii hore Ismaamulka Oromada , waxa uuna ninkan kamid yahay siyaasiyiinta caanka ka ah Itoobiya sidoo kale saameynta ku leh.

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale magaacabay Wasiirka cusub ee Wasaarada Arimaha Dibadda , waxa uuna xilkaasi u magacaabay Madaxweynihii hore ee maamulka Amxaarada Gedu Andargachew.

Abiy Axmed ayaa sidoo kale u magaacabay Eng. Aish Mohammed in ay noqoto wasiirka cusub ee Wasaarada Horumarinta iyo dhismaha dalkaasi, waxaana Wasiiradan cusub ee la magacaabay ansixiyay Baarlamaanka Itoobiya.

Ra;isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dareemay culees siyaasadeed oo gudaha ayaa la sheegay in ay ku kaliftay in siyaasiyiintan caanka ah ku abaal mariyo Wasaarada ugu muhiimsan ee xukuumadiisa ee kala ah Gaashaandhiga iyo Arimaha Dibadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ururka Jaamacadda Carabta oo garab istaagay Somalia, digniina siiyay Itoobiya

Caydiid Ali

Senator laamaha amniga u gacan geliyey askari ka tirsanaa ilaaladiisa oo dil geystay

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in ay korotay khasaaraha Dhimasho ee ka dhashay qaraxyadii Soobe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---