Yaa wada oo lagula xisaabtamayaa Banaan baxa Muqdisho laga abaabulayo ?

Maalmahaan waxaa nasoo gaarayey qoraallo, sawirro iyo baaqyo ka dhan ah dawladda oo lagu kicinayo bulshada Xamar loogana dalbanayo in ay ku kacaan dawladda kana qaataan xuquuq ka maqan!

Waxaa is weydiin mudan:

Yaa wada Mudaaharaadkaas oo ka danbeeya?
Yaa Hogaaminaya oo lagula xisaabtamayaa khasaaraha ka dhasha?

Xisbiya Siyaasadeed miyaa? Waa kuwee?
Ururada Bulshada miyaa? Waa kuwee?
Bajaaj-ley miyaa? Waa kuwee?
Dawlado shisheeye miyaa? Waa kuwee?
Siyaasi hebel la yiraahdo miyaa? Waa kee?
Yaa dadka u qaadaya xuquuqda ay raadinayaan? Yaase ka celinaya burburinta Nafta iyo Hantida Dadweynaha? Haddii uusan jirin Hoggaan Haga oo la yaqaan?

Haddii aysan jirin cid ku dhiirata oo bannaanka usoo baxda oo sheegata Mudaaharaadka sedee ayuu sharci ku noqon karaa? Dadkuna ku aqbali karaan? Caadifada Bulshada Xamar miyaa lagu kicin karaa Sawiro laga soo duubay dad Qaxooti ku ah UK oo Ceyr ku qaata London iyo Sawiro lagu soo duubay Qol dhexdiis?

Ogolaasha Dastuurka ee Banaanbaxyada waxaa ku xiran shruudo ay ugu horreyso:

1. In uu yahay Banaanbax nabadeed oo aysan ka dhalan rabshado iyo burbur galaafta Naf iyo Maal.

2. In la garanayo cidda wada, cida hoggaaminaysa, ujeedooyinka laga leeyahay, waxa lagu diidayo ama lagu taageerayo iyo cida ka qeyb-galeysa?

3. In la siiyo fasax, waqti iyo goob lagu qabto si looga ilaaliyo fawdo iyo faragelin?

4. In ay jirto Natiijo uga soo baxeysa dadka iyo dalka?

5. In aysan ka dhalan Fitno iyo dhibaato ka weyn waxa lagu dalbayo?

Hadaba haddii aan la garaneyn Kooxaha iyo Shakhsiyaadka horkacaya Mudaaharaadka looga baaqay  Muqdisho oo ay is qariyeen: waxaa waajib ku noqonaysa dawladda in ay badbaadiso Nafta, Maalka, Sharafta iyo Sumcadda Caasimadda iyo dadka degan!

W/Q Dr Mohamed Gacal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -