War cusub oo ka soo kordhay weerar Bambaano oo caawa ka dhacay degmada Xamar-weyne

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax Bambaano oo caawa fiidkii ah ka dhacay degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan.

Sida wararku nagu soo gaarayaan qaraxa yimid ka dib markii nin hubeysan oo bam gacmeed ku tuuray xarunta saldhiga Booliska degmada Xamar-weyne oo ku dhex yaalla suuqa degmadaas.

Khal khal ayaa ka dhacay suuqa qaraxaasi ka dib, waxaana deg deg loo xiray inta badan goobaha ganacsiga, iyadoo ciidamada ku sugnaa saldhigaas ay fureen rasaas aan sidaa u badneyn.

Saraakiisha Booliska Somalia ayaa sheegay in ciidamo ku sugnaa agagaarka saldhiga Xamar-weyne ay gacanta ku dhigeen ninkii tuuray bamkaas, xili uu isku dayayey inuu cararo.

“Ninkii bamka tuuray gacanta ayaa lagu dhigay, waxaana lagu hayaa xabsiga, laamaha amniga ayaana su’aalo weydiinaya, bamka uu tuurayna ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay ama dad wax ku noqday” ayuu yiri taliyaha Booliska degmada Xamar-weyne oo la hadlay warbaahinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -