Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Goordhaw ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho 

Waxaa goordhaw qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhaca laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee Hoteelka Mubaarak oo kuyaala agagarka Isgooska Shaqaalaha.

Qaraxa aaa lagu soo xiray gaari yaalay afafaka hore ee Hotelka, waxaana dab xoogan uu qabsaday gaariga qaraxa lagu soo xiray iyo sidoo kale baabuur kale oo yaalay halka uu qaraxu ka dhacay.

Qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa laga arkayaa uurada iyo holaca ka baxaya gaadiidka ku gubanaa qaraxa, waxaana daqiiqado badan goobta uu qaraxu ka dhacay aan soo gaarin gaadiidka dab damiska.

Lama oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay qaraxan gaariga lagu soo xiray oo daqiiqado yar kahor dhacay Laamiga Maka Al Mukarama, waxaan sidoo kale la ogeyn cida iska  laheyd gaariga qaraxa lagu soo xiray.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo amar cusub siiyay Guddiga ka hortagga COVID-19

Cabdi Cade

Ciidamo dhar cad ah oo maanta gudaha loo galiyay xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka !!

Cabdi Cade

Guddiga adeega Xajka ee DF oo shaaciyey liiska 71 Shirkadood..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---