Ciidamada Ahlu sunna oo ka baxay qeybo ka mid ah Dhuusamareeb & Shiikh Shaakir oo..

Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa  kacsan saaka ka dib markii ciidamada ahlu suna ay ka baxeen xaruntii Maamulka magaaladaas.

Ciidamada dowladda ayaa ka dib la wareegay xarunta degmada Dhuusamareeb sida wararku sheegayaan.

Xarunta degmada Dhuusamareeb ayaa aheyd saldhiga ugu weyn ee ahlu suna ay magaaladaas ka joogtay.

Madaxa xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan Xarunta Inji ee magaalada Dhuusamareeb, waxaana la sheegayaa in Xaruntaas ay tahay goobta kaliya ee Ahlusuna ay ka joogaan Dhuusamareeb.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili ciidamada dowlada ay 24-kii saac ee la soo dhaafay la wareegeen degmooyinka Matabaan iyo Guriceel oo ay muddo dheer maamulayeen kooxda ahlu sunna oo hadda u muuqata iney siyaasad iyo milateri ahaan sii fashilmeyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -