Imaaraadka oo la sheegay in Dhaqaale ku bixinayo Banaan baxyo looga soo horjeedo Dowlada

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo sidoo kale kamid ah Lataliyaasha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in magaalada Muqdisho ka socdaan abaabulka banaan baxyo looga soo horjeedo jiritaanka dowlada Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Salaad Cali Jeelle in banaan baxyada ay abaabulayaan xisbiyada mucaaradka ee Muqdisho ku sugan, waxa uuna tilmaamay in dhaqaalaha ku baxaya banaan baxyada ay bixineyso dowlada Imaaraadka Carabta.

”Xisbiyada Mucaaradka ee Muqdisho jooga waxa ay abaabulayaan banaan baxyo ay doonayaan in jiritaanka dowlada lagu wiiqo, Imaaraadka ayaa lacag ku bixinaya banaan baxyada, xisbiyada ayaana doonaya in barakacayaasha lacag ku siiyaan in banaanbaxa kasoo qeyb galaan” Ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Salaad Cali Jeelle ayaa farta ku fiiqay in dadka qandaraaska kasoo qaatay Imaaraadka ee wada abaabulka Banaan baxyada uu ku jiro Senetor Cumar Cabdirashiid uu sheegay in waligiis uusan ka qeyb galin kulamada Aqalka sare.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa lagu tilmaamaa in uu kamid yahay Siyaasiyiinta la aamusiyay ee u gadan dowlada Madaxweyne Farmaajo, waxaana siyaasigan taageere aan ganban u yahay Dowlada oo sidoo kale ku maamuustay in uu noqdo Lataliye Madaxweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -