Faahfaahin:Tiro Madaafiic ah oo ku habsatay Isbitaalka degmada Guriceel (Sawirro)

Iyadoo dagaalo culus ay weli ka socdaan degmada Guriceel ayaa ayaa wararkii ugu dambeeyey ee halkaas naga soo gaaray waxay sheegayaan in tiri madaafiic ah ay ku habsatay Isbitaalka Istarliin ee magaaladaas ku yaalla.

Agaasimaha Isbitaalka Istarliin Raxmo Axmed Diiriye ayaa sheegtay inuu burbur soo gaaray dhismayaasha iyo qalabka Isbitaalka, balse aysan jirin waxyeelo soo gaartay shaqaalaha iyo bukaanada ku jirtay isbitaalka

Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah halkaasi ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidammada dowladd Soomaaliya iyo xooggaga Ahlu Suna.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac badan oo ah dhinacyada ay dirirtu u dhaxeyso iyo dad rayid ahba.

Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheeganaya dagaalkaasi oo wararkii ugu dambeeyeya ay sheegayaan inuu galabta sii xoogeystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -