Qarax Khasaaro dhimasho geestay oo galabta ka dhacay Muqdisho

Waxaa galabta qarax miino oo dhaliyay khasaaro dhimasho uu ka dhacay Laamiga Warshadaha gaar ahaan afaafka hore ee xerada loo yaqaan  shiino ee ku dhaw Isgooska Shiirkole.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino  oo lagu soo qariyay jawaab ayaa la dhigay wadada dhinaceeda ,waxaana qaraxa goobta uu ka dhacay aheyd goob mashquul badan ay dad badan ku sugnaayeen.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay qaraxan halka laba kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka ku dhintay la sheegay in ay ahaayeen dhalinyaro ku sugnaa meel ku dhaw halka uu qaraxu ka dhacay.

Ciidamada booliiska ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano aan wali wax natiijo ah kasoo bixin.

Qaraxyada miino ee ka dhaca magaalada muqdisho ayaa noqday kuwa sii kordhaya, waxaana qaraxyadan dhacayaan xili ciidamada amaanka howlgalo ka wadaan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -