Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shir Madaxeedkii J/Carabta (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlada federaalka Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay magaalada Makka ee dalka sacuudiga shirkii degdeg ah ee ay yeesheen dalalka Jaamacadda Carabta.

Farmaajo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madax dalalka carabta qaarkood, waxaana ka mid ahaa Madaxa Golaha Milatariga Kumeel Gaarka ah ee Suudaan Sarreeye Guud Cabdulfataax al-Burhan,  Ra’iisul Wasaaraha Qadar Sheekh Cabdullaahi Bin Naasir Bin Khaliifa Al Thani iyo madax kale.

Kulamadan ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo wax wada qabsi ee ka dhexeeya dowlada Somalia iyo dowladahaas, iyadoo kulamadaas ay ku dhamaadeen jawi is afgarad leh sida ay sheegeen masuuliyiinta warfaafinta u qaabilsan Madaxtooyada Somalia ee la socda wafdiga Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Wasaaradda awqaafta & arrimaha diinta oo war ka soo saartay dhalashada bisha Shawal

Caydiid Ali

Faahfaahin:-Dhismihii kufsiga & dilka loogu geystay Xamdi oo la weeraray & Shirkii Muqdisho oo…

admin

Sheekh Shariif Isagu ma ilaaliyay Sharciga uu sheegayo in lagu tumanayo !?(Xaqiiqda Ogow)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---