Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Kulan dhexmaray Guddiga gaadiidleyda & Maamulka G/Banaadir oo fashilmay

Kulan dhex maray Guddi ka socda Gaadiidleyda BL-ka iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan markii la isku mari waayey cabashadii Gaadiidleyda.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Maamulka G/banaadir ayaa Guddiga Gaadiidleyda BL-ka waxaa qaabilay xubno uu horkacayey guddoomiye ku xigheenka G/banaadir Xuseen Maxamed Nuur, waxaana looga dooday cabashada gadiidleyda BL-ka oo bannaabaxyo ka waday Ex-Kontrol Afgooye, iyadoo dalbanayey in jidadka loo furo ama laga dhaafo canshuurta maalin waliba laga qaado.

Xubin ka tirsan Guddiga gadiidleyda BL-ka ayaa sheegay in maamulka G/Banaadir uu ku dooday in dhagxaanta wadooyinka lagu xiray lagu sugayo amniga magaalada, isla markaana aysan ka maarmin canshuurta, iyaguna ay ku adkeysteen inaysan is qaban karin wado xiran inay ku shaqeeyaan.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday iyadoo Guddiga Gaadiidley BL-ka ay sheegeen inaan wax go’aan ah lagu gaaray, waxaana gaadiidleydu sheegeen iney sii wadayaan dibed-baxa inta xaalada wax laga bedelayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Carabey oo waxba kama jiraan ku tilmaamay War ka soo baxay Xaaf (Akhriso)

Caydiid Ali

Kenya oo shaacisay iney wafdi culus u direyso caleemo saarka Axmed Madoobe

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo degaanka Jacar ku soo bandhigay Macawisley ka tirsan Murusade (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---