Gudoomiye Mursal oo go’aan ka qaatay dacwadii uu ku hanjabay Fahad Yaasiin

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hor yimid Dacwad uu sheegay agaasimaha xilka sii haya ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji inuu ku soo oogayo xildhibaan su’aal culus weydiiyey.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh ayaa Agaasime Fahad Yaasiin u sheegay in Baarlamaanku leeyahay Guddi anshax oo arrimaha dacwadaha loo gudbiyo, arrinta dhex martay isaga iyo xildhibaan Zakariye Gaashaaan-na loo gudbin doono Guddiga Anshaxa Baarlamaanka.

Fahad oo si weyn uga carooday su’aal ku saabsaneyd in xil sare lagu aamini karo iyadoo agaasime ku xigeenkii hore ee NISA Jen. Cabdalla Cabdalla uu ku soo eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Alshabaab ayaa dalbaday inuu xildhibaanka bixiyo raaligelin, isagoo sheegay inay arrintaasi gef ku tahay Hay’adda NISA iyo Shaqsiyaddiisa.

Xildhibaan Zakariye Gaashaan ayaa diiday inuu wax raaligelin ah bixiyo, wuxuuna sheegay inuu isagu soo xigtay eedeyn loo jeediyay Fahad oo ay ahayd inuu beeniyo ama xaqiiqada sheego.

Guddiga Anshaxa Baarlamaanka ayaan la ogeyn waxa uu kiiskan ka oran doono iyadoo hore aanu u qaadin dacwado noocan oo kale ah.

Wasiirka Waxbarashada xildhibaan C/llaahi Goodax Barre uu dhowaan xildhibaan ku tilmaamay inuu Shabaab yahay, taasoo si hoose loo xaliyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -