Somalia oo ku guuleysatay doorashada Guddoomiye ku-xigeenka Midowga Afrika

Soomaaliya ayaa ku guuleysatay xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Midowga Afrika (African Union) ee dhinanacyada kaabayaasha dhaqaalaha sida Tamarta, Biyaha, Gaadiidka, Macluumaadka Farsamada iyo Isgaarsiinta ka dib doorasho ka dhacday dalka Masar.

Kursigaas waxaa Soomaaliya kula tartamayay dowladda Kenya, Wadamada Jabuuti, Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan ayaana cadeeyay mowqifkooda ku aadan taageerada ku guuleysiga Kursiga ay Soomaaliya kaga guuleysatay dhigeeda Kenya ayagoo balan qaaday inay Guddomiyaha cusub la shaqayn doonaan.

Dalalka la isku yiraahdo Bariga Africa oo kooban 13 dal ayaa waxay xaq u leeyihiin inay hal kursi oo ah gudoomiye ku-xigeenka labaad uu ku matalo Midowga Africa (African Union).

Dowladda Itoobiya ayaa horay ugu fadhin jirtay kursigaan markii uu dhamaaday mudo xileedkiina waxaana la soo bandhigay in loo tartamo cidii kale ee u tartameysa si ay u matasho wadamada kale ee Bariga Africa.

Wadamo badan oo u loolamay qabashada xilkaan ayaa waxaa isku sooharay Kenya iyo Soomaaliya,  ugu dambeyntiina Soomaaliya ayaa ku guuleysatay waxayna sidaasi ku noqotay Hogaanka dalalka African  Union ee dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha.

Guushaan ayaa Soomaaliya kaga dhigan fursad muhiim ah oo ay kaga soo muuqa karto Siyaasada Caalamka iyo gobolka Geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -