Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Masuuliyiin ka tirsanaa dowladdii Madaxweyne Al-Bashiir oo xabsi loo taxaabay

Golaha cusub ee militariga Sudan ayaa waxay shaaca ka qaadeen in xabsiga loo taxaabay xubno muhim ah oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen musuqmaasuq dhacay xilligii dowladii Madaxweyne  Cumar Al-Bashiir.

Xubnahan ayaa dacwado culus waxaa ku soo oogi doona Maxkamadaha dalkaasi, iyadoo Afhayeen golaha militariga ee dalkaasi ka arimiya Shams Ad-din Shanto uu ku sheegay in isbadal lagu sameeyay hoggaanka ciidamada.

Afhayeenka ayaa xusay in taliyayaal cusub loo magacaabay militariga, sirdoonka iyo Booliiska dalkaasi,  Waxaana uu intaa ku daray in dhowr ka mid ah hay’adaha dowladda dib u habayn lagu samayn doono.

Militariga ayaa waxay kulan la qaateen wakiilo ka kala socday xisbiyada siyaasadda iyo ururada si looga wada xaajoodo xalka dhibaatada Sudan iyo xalinta dhibaatadii ka dhalatay dibed baxyadii waaweynaa ee dalkaas ka dhacay oo sababay in la afgembiyo madaxweyne Al-bashiir oo dalkaas soo xukumayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo goordhaw gaaray Aadan Yabaal

Cabdi Cade

Ahlusunna oo ka hadashay dagaalka ay ku soo qaadeen Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Dagaalka Saciid Dani & taageerayaasha Villa Somalia oo gaba gabo marayo iyo kuraasta taal boosaaso oo … !!

admin
Taboola Ads ---