Kheyre oo ka baxay Balan uu Xildhibaanada Golaha shacabka horey uga qaaday

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku guul dareestay in ay la xisaabtamaan Xukuumada uu hogaamiyo Ra’isul Wasaare Kheyre, waxaana Xukuumadan ka bad baaday isla xisaabtan dhab ah oo lagu sameeyo.

Maxamuud C/raxmaan (Beenebeene) oo katirsan Xildhibaanada golaha shacabka ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Kheyre uusan fulin balan uu horey Xildhibaanada uga qaaday oo aheyd in uu lix bil kasta ku hor imaan doono si loola xisaabtamo.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanka in mudo ka badan 2-sano ay jirto xukuumada Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre aysan jirin wasiir hor yimid Xildhibaanada golaha shacabka oo lala xisaabtamay.

”Labo sano ka badan ma jirto hal Wasiir oo Baarlamaanka hor yimid oo lala xisaabtamay, Kheyre waxa uu balan qaaday in lix bil kasta uu ku hor imaanayo Baarlamaanka si loola xisaabtamo balse taasi mka dhicin ” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ka bad baaday la xisaabtanka Xildhibaanada Golaha shacabka, waxaana arintan sabab looga dhigay in Xukuumada ku jiraan 50-Xildhibaan sidoo kale Xildhibaano badan taageersan yihiin Xukuumada Kheyre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -