Wasiirka Amniga Gudaha oo loogu baaqay in uu is casilo si uu sharaftiisa u ilaashado

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa u muuqda mid ku fashilmay masuuliyadii loo igmaday, waxaana inta uu xilkan hayay Muqdisho ka dhacay qaraxyadii ugu qasaaraha badnaa iyo dilal badan.

Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiirka Amniga gudaha uusan u madax banaaneen shaqadiisa, waxa uuna ugu baaqay in uu is casilo.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Maxamed Abuukar Islow uu ku magacaaban yahay Wasaarada Amniga kaliya balse aysan jirin hal taliye oo ka amar qaata Wasiirka, waxa uuna sheegay Xildhibaanka in taliyaasha ka amar qaataan Ra’isul Wasaare Kheyre.

“Waxaan leenahay Wasiirka, hadaadan shaqadadaa u madax banaaneyn Wasiir Ducaaloow waxaad uga baahan tahay Wasiir Amni lama arkee masiibadaan kugu soocto yeysan magacaada iyo sharaftaada dhaamin, Imaamkeeniyaa tahaye, ciyaal xamaraa tahaye, meeshaan si tartiib ah isaga tagoo oo iska casil calaal caleyk dheh” ayuu yiri Xildhibaan Saabir.

Xildhibaanka ayaa carabka ku adkeeyay in Wasiirka Amniga gudaha uu yahay magac u yaal aysan jirin cid amarkiisa ku shaqeysa, waxa uuna xusay in loo baahan yahay in la helo Wasiir amni oo shaqadiisa u madax banaan.

Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xili marar badan Wasiirka amniga gudaha loogu baqaay in uu is casilo, kadib markii uu ku fashilmay waajibaadka loo xilsaaray, waxaana Wasiirka lagu tilmaamaa shaqsi aan khibrad badan u laheyn arimaha amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -