Dayuurad dagaal oo walxo qarxa ku tuurtay degaano hoos taga Somaliland

Diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayay ayaa waxyaabo qarxa ku tuuray dad reer guuraa ah iyo dhul daaqsimeed ka tirsan degmada Sallaxley ee Maamulka Somaliland sida uu sheegay Guddoomiyaha degmadaas Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine).

Waxaa uu intaas ku daray inaysan jirin Cid waxyeelo ay ka soo gaartay, laakiin dadka degaanka ay cabsi weyn ku abuurtay, waxaana uu sheegay iney  gubatay goob ay reer guuraa daganaayeen.

“Diyaaraduhu waxay ka yimaadeen dhinaca koonfureed iyagoo joog hoose ku duulaya ayay waxyaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa salaxlay iyo deegaanka Aaden Abokor, ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo dadka soo gaaray, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yiri Gudoomiye Shiine.

Weli lama garan cidda leh dayaaradaha iyo weliba sababta ay u tuureen, waxyaabaha qarxa, hase ahaatee dhacdadan oo aan looga baran degaanada Somaliland ayaa si weyn looga hadal hayaa degmada Salaxley iyo nawaaxigeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -