Allbanaadir.com
NEWS

Madaxa Hawlgalka IGAD ee Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga laga guddoomay

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Mudane Cali Cumar, ayaa maanta oo Isniin ah ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Madaxa IGAD ee Soomaaliya.

Danjire Maxamuud Cabdi Axmed ayaa hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo dhinacyada Hourmarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Urur goblleedka IGAD.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa guul u rejeeyay mas’uulka cusub ee IGAD in uu ku guuleysto xilka loo magacaabay, si sare loogu qaado xiriirka wadashaqeyneed ee dhow ee Soomaaliya iyo IGAD.

Madaxa hawlgalka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamuud Cabdi Axmed ayaa sheegay in uu adkeyn doono Xiirarka, Iskaashiga, iyo horumarinta dhaqan dhaqaale ee urur gobolleedka IGAD iyo Somalia.

Xog-hayaha Fulinta Urur Gobaleed IGAD, Danjinre Dr. Workneh Gebeyehu ayaa 26 November 2023 u soo magacaabay Madaxa hawlgalka IGAD ee Soomaaliya (IGAD Head of Mission to Somalia) Danjire Maxamuud Cabdi Axmed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ma’suul ka tirsanaa Villa Somalia oo dalka ka baxsaday & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

COVID-19: Dowlada Somalia oo soo saartay go’aanno ku socda Masaajidada (Akhriso)

Caydiid Ali

Qarax kale oo habeenkii labaad ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---