Qaban-qaabada dibed-bax beri la qabanayo oo caawa ka bilaabatay Muqdisho

Qabanqaabada Dibed-bax la filayo inuu beri ka dhaco qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa caawa laga dareemayaa degmooyinka gobolka Banaadir.

Dibed-baxan oo looga soo horjeedo mooshin xilka ka qaadis ah oo la sheegay in xildhibaanada Baarlamanka qaarkood ay ka gudbiyeen madaxweynaha Somalia ayaa waxaa qaban-qaabinaya Maamulka gobolka Banaadir.

Maamulada iyo ururada bulshada degmooyinka ayaa lagu wargeliyey caawa iney beri ka soo qeyb galaan banaanbaxan oo lagu qaban doono taalada daljirka dahsoon ee magaalada Muqdisho oo caawa amaankeeda aad loo xoojiyey.

Waddooyinka Magaalada qaarkood ayaa la filayaa in beri subax loo xiro banaanbaxa la qaban-qaabinayo oo sidoo kale lagu wado iney ka qeyb galaan madaxda dowlada qaarkood.

Xiisad siyaasadeed ayaa caawa mar kaliya ka aloosantay magaalada Muqdisho ka dib markii xildhibaanada baarlamanka qaarkood ay gudoonka baarlamanka u gudbiyeen mooshin xilka laga qaadayo Madaxweynaha Somalia, waxaana mooshinkan sharci daro ku tilmaamay gudoomiye ku-xigeenada Baarlamanka.

Jawiga magaalada Muqdisho ayaa caawa ka bedelan sidii hore, waxayna dadweynuhu aad u hadal u hayaan mooshinkan, iyagoo aaminsan fikrado kala duwan oo la xiriira saameynta ka dhalan karta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -