Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Bajaajleyda Muqdisho ku tilmaamay kuwa Bambooyinka ku tuura Ciidamada

Xildhibaan C/raxmaan Aadan Ibbi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta ka hadlay kulanka amaanka looga doodayay ayaa sheegay in falalka amaan daro ee Muqdisho ka dhaca ay qeyb ka yihiin dhalinyarada bajaajta ku shaqeysata.

Ibbi ayaa sheegay in dhalinyarada bajaajta ay u doodayaan ay yihiin kuwa falalka amaan daro ee magaalada ka dhaca qeybta ka ah sidoo kale bambooyinka ku tuura ciidamada amaanka.

“Bajaajleyda aan maanta u qeylineyno bambo ayay ciidamada  amaanka ku tuuraan, saddex bajaaj ayaa la qabtay oo bambo iyaga oo bambo tuureysa” ayuu yiri xildhibaan Ibbi.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya xili maanta magaalada Muqdisho banaan baxyo xoogan ka dhigeen dhalinyarada bajaajta ku shaqeysata kuwaa oo ka careesnaa dil askari ciidanka dowlada katirsan u geestay Wiil Bajaajle ah iyo ruux la socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ganacsiga Qaadka Kenya ee Soomaaliya la keeno oo qarka u saaran inuu joogsado

Caydiid Ali

Baaritaanka qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii G/Nugaal oo la soo gebagebeeyey

Caydiid Ali

Dowlad degaanka Soomaalida oo war ka soo saaray laba kacleynta Jabhada TPLF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---