Waxaa maanta magaalada Muqdisho gil gilay banaan baxyo xoogan oo qaarkood rabshado wateen , waxaana banaan baxan uu ka dhashay dil arxan daro ah oo saakay askari katirsan booliiska u geestay wiil bajaajle ahaa iyo abtigiis oo la socday.

Dadka banaan baxa dhigayay oo u badnaa dhalinyaro ayaa wadooyinka magaalada Muqdisho ku gubayay taayaro waxa ay sidoo kale dhagxaan ku tuurayeen goobaha ganacsi, gaadiidka iyo sidoo kale ciidanka dowlada.

Banaan baxyada ayaa kusii fiday wadooyin badan oo magaalada Muqdisho, waxa ayna taasi keentay in magaalada inteeda badan gasho jawi xasilooni daro ah iyadoona la xiray qaar badan oo kamid ganacsiga Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi iyo Duqa magaalada Muqdisho ayaa ku baxay meelaha ay ka socdeen banaan baxyada, waxa ayna Taliyaha iyo duqa Muqdisho la hadleen qaar kamid ah dadka banaan baxa dhigaya.

Waxa uu sheegay Taliyaha booliiska in ay ka xun yihiin dilka loo geestay dadka shacabka ah, waxa uuna taliyaha balan qaaday in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigi doono askarigii ka dambeeyay dilka loo geestay labada ruux.

Duqa magaalada Muqdisho oo isna la hadlay banaan baxayaasha ayaa sheegay in uu cambaareenayo dilka loo geestay labada ruux, waxa uuna Gudoomiyaha ugu baaqay in xaalada dejiyaan lana soo qaban doono gacan ku dhiiglaha.

Dadka banaan baxyada dhigaya ayaa wali lagu arkayaa qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana banaan baxan maanta magaalada Gil gilay noqonayaa kii ugu xooganaa ee mudooyinkan dhaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -