Sargaal loo xiray dilkii maanta rabshadaha ka dhaliyay magaalada Muqdisho

Ciidamada amaanka ayaa maanta xabsiga dhigay sargaal katirsan ciidanka booliiska oo taliye u ahaa ciidankii ka howlgalayay Isgooska Howl Wadaag ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Cabdi ayaa maanta shaaca ka qaaday in la xiray sargaalkii heestay isgooska Howlwadaag ee maanta dilku ka dhacay.

Waxa uu sidoo kale sheegay taliyaha in ay socdaan howlgalo lagu baadigoobayo askarigii dilka u geestay wiilkii bajaajlaha ahaa ee iyo sidoo kale ninkii la socday waxa uuna rajo ka muujiyay in lasoo qabto gacan ku dhiiglaha.

Sida aan wararka ku helnay sargaalka la xiray ayaa loo heestaa in uu ku guul dareestay in uu qabto askariga dilka geestay, waxa ayna talaabadan u muuqataa mid lagu ciqaabayo taliye unugyada ciidamada ee ku fashilma qabashada askarta dilka geesata .

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in si fudud maalin walbo ku baxsadaan askarta dadka shacabka ah dilalka u geesata, waxaana xusid mudan in goobaha dilalka ka dhacaan ay joogaan ciidamo kale oo dowlada katirsan.

Dilka maanta ka dhacay Isgooska Howlwadaag ayaa sababay in magaalada qeybo badan oo kamid ah ka dhacaan banaan baxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo ciidanka dowlada gaar ahaan booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -