Madaxii Afgambiga Sudan oo Is casilay iyo Hogaamiye cusub oo la magacaabay

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Sudan Cawad ibnu Cowf oo shalay loo doortay in uu talada dalka Sudan sii hayo ayaa goordhaw ku dhawaaqay in uu iska casilay in uu sii hogaamiyo talada dalkaasi.

Cawad ibnu Cowf ayaa Telefishinka Qaranka kaga dhawaaqay is casilaadiisa, kadib markii dibad baxayaasha diideen in ay joojiyaan banaan baxa,, waxa ayna Banaan baxayaasha  sheegeen in Cawad uusan waxbo dhaamin Al Bashiir uguna baaqeen in uu is casilo

Shacabka Sudan ayaa wali sii wada banaan baxyada ay uga soo horjeedaan Milatraiga Sudan la wareegay, waxa ayna shacabka dalbanayeen in ay u baahan yihiin isbadal muuqda taladana wareejiyaan Milatariga,

Kulan deg deg ah ay yeesheen Saraakiisha milatariga hogaamisa ee xilka ka tuuray Madaxweyne Al Bashiir ayaa u doortay General Abdel Fattah Adelrahman Burhan in uu noqdo hogaamiyaha sii haynaya talada dalka Sudan.

Shacabka Sudan ayaan la ogeyn in ay aqbali doonaan ninkan cusub ee milatariga u goordhaw doorteen in dalka sii hogaamiyo inta uu uu milatariga talada ka wareejinayo lagana dhisayo dowlad rayid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -