Madaxweyne Al Bashiir oo la sheegay in uu is casilay iyo Dabaal degyo socda

Sida ay ku warantay Wakaalada Wararka ee reuters Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa aqbalay in uu xilka ka dego, kadib markii Milatariga dalkaasi saakay ku go’doomiyeen xarunta Madaxtooyada.

Telefishinka iyo Raadiyaha dalka Sudan ayaan wali laga baahin is casilaada Madaxweynaha dalka Sudan, waxaana wali shir xasaasi ah u socdaa Saraakiisha Milatariga oo ka tashanaya go’aankii ay ku dhawaaqi lahaayeen iyo cida talada lagu wareejinayo.

Dabaal degyo ayaa ka socda qeybo kamid ah dalka Sudan oo lagu soo dhaweenayo iscasilaada Madaxweyne Al Bashiir, waxa ayna dadku ku dhawaaqayaan Dowladii Al Bashiir waa dhacday iyo ereyo kale,

Ciidamada Milatariga dalka Sudan ayaa wali heesta xarumo badan oo kuyaala Khartuum ay ku jiraan xarumaha Telefishinka iyo raadiyaha dowlada, waxa ay sidoo kale milatariga ku hareereesan yihiin xarunta Madaxtooyada.

Milatariga ayaa sidoo kale howlgalo baaritaano ah kawada xafiisyada xisbiga talada dalkaasi haya iyo sidoo kale xubno kale oo aad ugu dhawaa Madaxweynaha , waxa ayna xireen Milatariga masuuliyiin aad ugu dhawaa Al Bashiir.

 

- Advertisement -