Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Yariisow oo ka qeyb galay Munaasabad weyn oo ka dhacday Muqdisho (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabado kala duwan oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee Haweenka ayaa hambalyo u direy guud ahaan haweenka Soomaaliyeed.

Maalinta Haweenka dunnida ayaa inta badan xuska la qabto diiradda lagu saaraa xaquuqda haweenka isla markaana ay si weyn uga qayb qaataan ururada u dhaq dhaqaaqa xuquuqda haweenka caalamka.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay door wax ku ool ah ka soo qaateen horumarka dalka, iyagoo safka horey kaga jira halganka dib-u-soo kabashada dalka, dib-u-heshiisiinta ummadda, nabadeynta, wax soo saarka iyo horumarka dhinacyadiisa kala duwan.

“Hambalyo maalinta qiimaha badan ee 8da Maarso oo sanad walba la xuso, xuska sanadkan waxuu ku soo aaday xili dadaal ballaaran aan ugu jirno horumarinta Haweenka Soomaaliyeed oo ah asaaska nolosha qoyska, tani oo na xusuusinaysa ilaalinta xuquuqda haweenkeena.”Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow oo ka hadlayay Munaasabad lagu xusayay maalinta Haweenka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa ka qeyb galay Ciyaaro lagu maamuusayay maalintan, waxuna halkaas ka sheegay in si bulsho horumar u gaarto ay lagama maarmaan tahay in haweenku ay helaan xuquuqdooda oo dhameystiran, sida waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo caawa Magacaabay la taliyeyaal cusub (Akhriso)

Caydiid Ali

Xasan Shiikh & Wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Belad-Weyne (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xoghaye Blinken oo Raisul Wasaare Netanyahu kala hadlay labo qodob oo xasaasi ah

Caydiid Ali