Dad aan Muslim aheyn oo gacan ka geesanaya Dhismaha Masaajid (Daawo Sawirro)

Dadka haysta diimaha kala duwan ee Hindiya waxaa mararka qaar dhexmara rabshado, kuwaas oo sannadihii tagay isu badalay qalalaaso culus. Balse waxaa arrin la taaban karo noqotay sida ay isugu xiranyihiin dadka ku nool hal tuulo ku taalla Waqooyiga Hindiya.

Iyadoo fuundi Nazim “Raja” Khan uu ka shaqeynayo dhismaha Mandarka Shiva ee tuulo ku taalla Punjab, waxaa ku soo dhacday fikrad kale.

Waa nin Muslim ah oo ka shaqeynaya dhismaha, isagoo aan haysan masaajid dhow oo uu ku cibaadeysto.

“Ma haysan meel aan ku oogno namaz (oo micneheedu yahay Salaadda),” ayuu yiri ninka 40-jirka ah. “Qaraabadeena uma fiicneyn marka ay na soo booqdaan”.

Waxaa tuulada Moom ku nool illaa 400 oo qof oo Muslimiin ah, waxayna ku taallaa Waqooyiga Hindiya. Balse waa dad aad sabool u ah oo aan awoodin in ay helaan dhul laga dhiso masaajid.

Inta badan Muslimiinta tuullada Moom waa muruqmaal waxayna qabtaan shaqooyiinka gacanta sida dhismaha, halka Hinduga oo gaaraya illaa 400 iyo Shikhska oo ka badan 4,000 ay yihiin dad dhaqaale haysta oo ladan.

Ka dib markii la dhammeeyay dhismaha Macbadka, Raja wuxuu qaaday tallaabo aan horey loo arag.

Raja Khan smiles as he works on the mosque

Horraantii sannadkan, wuxuu u tagay maamulka Macbadka wuxuuna ku yiri: “Adinka Hinduga ah waxaad dhowaan heleysaan mandar. Waxaad haysateen mid hore. Laakiin annaga Muslimiinta mahaysano masaajid aan ku tukano, mana haysano lacag aan dhul ku iibsano. Meel yar oo dhulkiina ka mid ah mana siin kartaan?”

Isbuuc ka dib, wuxuu ka helay jawaab. Maamulka Macbadka waxay go’aansadeen in ay Muslimiinta siiyaan dhul banaan oo ku dheggan Mandarka oo gaarayay 900 sq ft (83 sq m).

“Waa farxad,” ayuu yiri Raja. “Hadda maba heli karo erey aan ku qeexo sida aan ugu mahadcelinayo.”

Villager Chood Singh in front of the gurdwara

Purshottam Lal, oo ah dhaqtar, kana tirsan guddiga maamula mandarka ayaa sheegay “Wuxuu ahaa dalab la taaban karo. Waxay ahayd cadaallad daro in Muslimka aysan haysan Masaajid iyadoo aan wadaageyno farxadda iyo murugada”.

Laba bilood ka hor, Raja iyo dhowr fuundi oo kale iyo shaqeele ayaa si farxad ku dheehan tahay u billaabay dhismaha Masaajid.

Nazim Khan and Bharat Sharma
Bulshada Sikh waxay gacan ka geysteen dhanka dhaqaalaha lagu dhisayo Masaajidka, taas oo ay “uga deyanayaan gidaarka Gurdwara”. Waxayna tuulada noqotay Tusaalaha dhifka ah ee muujinaya wadajirka ka dhexeeya seddaxda diimood ee Hindiya ee iskula nool hal meel.

Aalaaba waxaa dhacdo in dadka laga badan yahay ay sheegtaan in dhibaato loo geystay laakiin kuwa tuulada Moom way ka dhuwan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -