Hogaamiyeyaasha labada Kuuriya oo yeelanaya kulankii ugu horeeyey ee fool ka fool ah

Madaxa amniga qaranka Kuuriyada Koonfureed Chung Eui-yong iyo madaxa hay’adda sirdoonka Sun Hoon ayaa kulan gaar ah la qaatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi xilli ay booqasho qaadatay 2 maalmood ay ku joogeen Pyongyang.

Waxaa lagu heshiiyay in hogaamiyayaasha labada Kuuriya ay kulan yeeshaan bisha April markii ugu horreysay muddo toban sano ah. waana kulankii ugu horreyay tan iyo intii uu awoodda la wareegay Mr Kim.

Mr. Kim ayaa si cad u muujiyay sida uu dalkiisa u doonayo inuu wadahadal la galo xukuumadda Washington ayna hakiyaan tijaabada hubka inta ay wadahadaladaasi socdaan waana hadalkii ugu debecsanaa ee hogaamiye Kim John un u jeeddiyo Maraykanka, iyadoo labada dowladood looga bartay iney isdhaafsadaan hadalo kulul.

Ergada Kuuriyada Koonfureed ayaa fariin gaar ah u keeni doonta Mareykanka taasoo ay ka sidaan hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Fariintan ayay ergada gudbin doontaa marka ay toddobaadkan kulan ku yeeshaan Washington, sida ay wararka sheegayaan.

Fariintan ayaa loo soo dhiibay markii ay isniintii la kulmeen Mr Kim oo ay la yeesheen wadahadalo naadir ah oo ka dhacay Pyongyang, sida ay ku warameen warbaahinta maxaliga ah.

“Wax waliba saxaafadda shaaca ugama qaadi karno , laakiin waxa aan haynaa fikrado aan ka sidno Kuuriyada Waqooyi oo aan u gudbin doono Mareykanka marka aan booqashada ku tagno,” waxa uu sidaasi ka soo xigatay wakaaladda wararka Kuuriyada Koonfureed Yonhap.

Donald Trump ayaa si taxadar leh uga jawaabay warka ku saabsan in Kuuriyada Waqooyi ay doonayso in wadahadalo lagala galo sidii ay uga tanaasuli lahayd hubkeeda Niyukleerka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -