Xukun Adag oo lagu riday Maamule Imtixaan u galay Askari AMISOM katirsan (Daawo Sawirro)

Maxkamad kutaala magaalada Bujambura ee caasimada dalka Burundi ayaa xukun adag oo xabsi ah waxa ay ku riday maamule iskuul oo imtixaan u galay askari katirsan ciidamada AMISOM oo ku sugan Soomaaliya.

Benjamin Manirambona ayaa la qabtay isaga oo imtixaan u galaya askari howlgal ugu soo maqan Soomaaliya, waxa uuna Benjamin oo ah Maamule iskuul doonayay in uu imtixaanka ku galo magaca askariga si uu ugu helo buundooyin fiican.

Maxkamada la horkeenay maamulaha ayaa ugu dambeyn ku xukuntay 5 sano oo xabsi ah waxaa sidoo kale laga mamnuucay in mudo 10-sano ah ka shaqeeyo xafiis dowladeed, Maxkamada ayaa sidoo kale min 5-sano oo xabsi ah ku riday  xisaabiyihii iskuulka Eric Nkurunziza iyo macalin Lazard Nihezagire oo falkan la ogaa maamulaha.

Maamulaha xukunka lagu riday ayaa sheegay in uu matalayay askari AMISOM ka tirsan oo doonayay in uu helo buundooyin wanaagsan si uu jaamacad u galo, waxaana la sheegay in askari uu lacag u balan qaaday maamulaha Imtixaanka ku matalayay.

Wasiirka waxbarashada dalka Burundi Janvière Ndirahisha ayaa tagtay iskuulkii uu imtixaanka ku galayay maamulahan askariga u galayay imtixaanka , waxa ayna sheegtay in aysan ahayn markii koowaad ee uu falkan sameeyo.

Sheekada maamulahan ardayga iska dhigay ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo dalka Burundi, waxaana la sheegay in sababta ay arintan ku dhacdady ay tahay in ardayda imtixaanka ku galaan iskuulo kala duwan oo ay adag tahay in lakala aqoonsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -