Janan oo ka hadlay Wararka Sheegaya in ay is khilaafeen Farmaajo kuna biiray Mucaaradka

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay soo baxayay warar sheegaya in Wasiirkii hore ee Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan is khilaafeen Madaxda dowlada Federaalka una wareegay dhinaca siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Farmaajo.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa beeniyay wararka saacadihii lasoo dhaafay la faafinayay ee ku aadanaa in uu khilaaf soo kala dhax galay isaga iyo Madaxda Dowlada gaar ahaan Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Janan oo hadal ka jeedinayay munaasabad uu ku shaacinayay in uu yahay musharax Xildhibaan ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay warka laga faafiyay, waxa cadeeyay in uusan mar kale diyaar u aheyn colaad iyo khalalaase.

Waxaa uu sheegay in uusan aheyn qof doonaya in uu noqdo mucaarad oo dagaalama, balse sidii shalay dadkiisa uu ugu naxay uguna diday in lagu dul dagaalamo uu weli go’aankaas ku taagan ahay, isla markaana xilligaan dalka uusan u bahneyn dagaal iyo Colaad.

“ Dad ayaa is weeydiinaya Cabdirashiid Janan maxaa ku dhacay side wax u jiraa, aniga waxaan  si Shaqsi ah u deganaa Guryo u dhow Xarunta Nabadsgida waana kasoo guuray, taas micnaheeduna maahan inaan qof la dagaalamay, balse aragtideyda aniga ayay gaar ii tahay ayuu yiri” C/Rashiid Janan.

Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland ayaa ugu dambeyn sheegay in xiisada ka taagan degmada Doolow uusan wax lug ah ku laheyn, waxa uuna cadeeyay in ciidankiisa horey ugu wareejiyay hada aysan jirin ciidan isaga ka maar qaata oo halkaasi jooga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -