Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Muxuu Wasiirka Amniga ku soo arkay degmada Balcad oo ay ku soo bateen Weeradada Al-Shabaab?

Wasiirka Amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur (Furdug), Saraakiil ciidan iyo xubno kale ayaa wasiirka iyo xubnaha la socday ku soo dhoweeyey degmadaas isagoo kulan ballaaran la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Gudoomiyaha degmada Balcad  iyo saraakiisha ciidamada ayaa wasiirka warbixin ka siiyey xaaladaha amniga iyo arrimaha bulshada ee ay ku sugan tahay degmadaas iyo dhibaatooyinka ka jira, iyagoo si gaar ah u xusay weeraro kooxda Al-shabaab mudooyinkan ka geysanayeen hareeraha degmadaas.

Wasiirka Amniga oo isna hadal jeediyey ayaa sheegay in amaanka Magaalada uu yahay mid wanaagsan lana sii xoojin doono, isagoo xusay in wadooyinka u dhow degmada Balcad ay soo galeen dagaalyahano Shabaab ah oo weeraro geysta, arrintaasna ay Ciidamada  wax ka qaban doonaan.

Sidoo kale Wasiir Islow ayaa sheegay in Dowladda ay wado qorshe lagu dhisayo wadooyinka xiriiriya Muqdisho iyo Gobolka Shabeellaha Dhexe, si looga gudbo dhibaatooyinka iyo weerarada mararka qaar dhaca.

Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay Shabaab inaan laga yeeli doonin weeraro ay ka geystaan wadooyinka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna shacabka ka dalbaday in Hay’adaha amniga la shaqeeyaan.

Kormeerka Wasiirka ayaa ku soo aaday xili todobaadyadii la soo dhaafay ay Al-Shabaab weeraro culus ka geysteen degaano u dhexeeya Balcad iyo Jowhar ayna muddo kooban kala xireen socodkii gaadiidka ee labada degmo inkastoo markii dambe ciidamada dowladu ay dib uga qabsadeen, waxaana degaanadaas ay ahaayeen kuwo nabdoon oo weerarada noocan ah aan looga baran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Falastiini hubeysan oo dil ka geystay bartamaha Tel Aviv & Booliska Israel oo..

Caydiid Ali

Burcad hubeesan oo ka dhac ka geesaneysay xaafad katirsan Muqdisho oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

TV-ga CNN oo dacwad ka dhan ah Trump u gudbiyey Maxkamada Washington

Caydiid Ali