Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad kasoo duushay dalka Kenya oo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha Ceelwaaq (Sawirro)

Diyaarad rakaab siday oo kasoo duushay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kadib markii cilad aan horey loo sii ogeyn ku timid.

Diyaaraddan oo uu nooceedu yahay 5Y-GRS ayaa dhabaha garoonka diyaaradaha Ceelwaaq ka baxday markii ay dageysay, waxaana la sheegay in khasaaro fudud kasoo gaaray shilkaasi qaar kamid ah dadkii diyaarada saarnaa.

Sida aan wararka ku helnay diyaaradan shilka ku gashay garoonka diyaaradaha Ceelwaaq Soomaaliya  ayaa kusii jeeday garoonka diyaaradaha Ceelwaaq Kenya ee katirsan gobolka ismaamulka Mnadheera ee dalka Kenya.

Maamulka gobolka Gedo ayaan wali ka hadlin shilkan diyaaradeed ee saakay ka dhacday degmada Ceelwaaq, waxaana dadkii diyaarada la socday ee shilka ka bad baaday la dejiyay goob amaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sacuudiga oo markii ugu horeysay laga xusay Maalinta Shaydaanka ee Halloween

Caydiid Ali

Amiirka dalka Qatar warqadaha aqoonsiga ka gudoomay danjire Doodishe (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray Baydhabo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---