Askar Mareykan ah oo lagu dilay Qarax iyo Masuuliyada weerarkaasi oo la sheegtay

Qarax xoogan ayaa lala eegtay ciidamo Mareykan ah oo ku sugan dalka Afgaanistaan, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamada Mareykanka.

Wakaaladaha wararka ayaa ku waramaya in qaraxa oo ahaa miino nuuca dhulka lagu aaso lala eegtay kolonyo ciidamo Mareykan ah oo marayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Bagram ee dalka Afgaanistan.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay sadex askari oo katirsan ciidamada Mareykanka iyo sidoo kale qof la shaqeenayay, waxaana qaraxan ku dhaawacmay sadex askari oo kale.

Kooxda Daalibaan ee ka dagaalanta dalka Afgaanistan ayaa sheegatay masuuliyada qaraxan lagu dilay laguna dhaawacay ciidamada Mareykanka ee u jooga dalka Afgaanitan dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi.

Dowlada Mareykanka waxaa dalka Afgaanistan ka jooga 14-kun oo askari, waxaana sanadkan kaliya dalkaasi looga dilay Ciidamada Mareykanka 7-askari halka tiro kalana looga dhaaacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -