Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Maamulka Puntland oo Gaadiid dagaal ku wareejiyey Galmudug

Galmudug ayaa Maamulka Puntland kala wareegtay gawaari Ciidan oo sanadihii la soo dhaafay uga xayirnaa Magaalada Boosaaso ee gobolka bari.

Lix gaari oo Cabdi bille oo ay leeyihiin Ciidamada Booliiska Galmudug ayaa Puntland gaalkacyo  keentay, kuwaasoo ugu dambeyn loo soo gudbiyey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in talaabadan uu dadaal ku bixiyey Madaxwaynaha Galmudug Qoorqoor oo xiriiro la sameeyey madaxda Puntland

Waa qeybtii labaad ee gaadiid dagaal ah kuwaasoo Puntland ku wareejiso Galmudug, ka dib muddo dheer oo sifo aan sharci aheyn ay ku heysteen gaadiidkan dagaal oo ay bixisey Hay’adda (UNOPS) oo haatan ka shaqeysa dhismaha Ciidanka Booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Somalia oo digniin culus soo saartay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Khayre oo Washington kula kulmay Mrs. Cristine Lagarde (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare oo la shaaciyay iyo arday badan oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---