Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa Duhurnimadii maanta qarax xoogan oo gaari lagu soo xiray uu ka dhacay agagaarka Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Bangiga Preimer.

Qaraxa oo lagu soo xiray gaari yar oo nuuca raaxada ayaa qarxay xili uu laamiga marayay, waxaana gaariga mar qura qabsaday dab xoogan oo ka dhashay qaraxa ,iyadoona qiiqa iyo holaca gaariga ka baxayay si weyn loo arkayay.

Inta la xaqiijiyay wiil dhalinyaro ah ayaa ku dhintay gaariga qarxay halka uu sidoo kale ku dhaawacmeen dhowr qof uu ku jiro aabaha dhalay wiilka dhintay, lamana oga ilaa hada waxa ay ahaayeen dadka gaariga qaraxa loogu soo xiray.

Qaraxa ayaa saameyn ku yeeshay gaadiid kale oo laamiga marayay oo qaarkood la sheegay in dabku gaaray, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo katirsan booliiska oo goobta xiray una gurmaday dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Qaraxyada gaadiidka lagu soo xiro ayaa maalmahan kusoo badanaya magaalada muqdisho, waxaana bishan kaliya Muqdisho ka dhacay qaraxyo badan oo gaadiid loogu soo xiray dad shacab ah iyo dad kale oo dowlada u shaqeeya.

- Advertisement -