Yariisow” Hadii siyaasiyiinta ka qeyb qaadan lahaayeen Orodkii Jimcihii, waxii Sabtidii dhacay ma dhaceyn ”!

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumaan Yariisow ayaa si dadban u weeraray Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Duqa Muqdisho oo ka hadlay Munaaabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegay hadii Siyaasiyiinta ka qeyb qaadan lahaayeen Orodkii gaabnaa ee Jimcihii lagu qabtay Muqdisho in uu ka yaraan lahaa carada ama Stress-ka ka muuqda .

“Haddii siyaasiyiinta ka qeyb qaadan lahaayeen Orodkii gaabnaa ee Jimcihii, Stress-ka ama Carada waa ka bi’i lahaa, Sabtidii wixii Baarlamaanka ka dhacayna kama dhaceyn” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in muhiim tahay in xooga la saaro xoojinta amniga magaalada Muqdisho, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in amniga la siyaasadeeyo.

Hadalka Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya xili kulan sabtidii ay lahaayeen xildhibaanada golaha shacabka oo looga doodi lahaa amniga kusoo dhamaaday Foodo iyo Buuq .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -