Pakistan oo Ogaatay Qorshe Halis ah oo dowlada Hindiya Dalkeeda la damacsan tahay

Dowlada Pakistan ayaa shaaca ka qaaday in ay heshay xog sirdoon oo sheegaya in ciidamada Milatariga dalka Hindiya qorsheenayaan in maalmaha soo socda weerar xoogan kusoo qaadaan dalkeeda.

Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Shah Mehmood Qureshi oo shalay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay heleen xogo sirdoon oo cadeenaya in ciidamada Hindiya qorsheenayaan in duulaan kusoo qaadaan maalmaha soo socda.

“Waxaa jirta tallaabo kale oo lagu weerarayo Pakistan, sida ay sheegeyso xogtan aan haynana, arrintaasi waxay dhici kartaa inta u dhaxaysa 16 Abriil ilaa 20,” Ayuu yiri Wasiirka Arimaha Dibadda Pakistan.

Waxa uu sheegay Wasiirka Arimaha dibadda Pakistan in weerarka lagu soo qaadayo dalkooda looga gol leeyahay sidii sare loogu qaadi lahaa caddaadiska dublamaasiyadeed ee dalkiisa la saarayo.

Hadalkan kasoo yeeray dowlada Pakistan waxaa durba beenisay dowlada Hindiya, waxa uuna sheegay Afhayeen u hadlay Wasaarada Arimaha Dibadda Hindiya in Pakidstan cabsi dagaal ka abuureyso gobolka  .

Waxa uu sheegay Afhayeenka Hindiya u hadlay in hadalkan kasoo yeeray Pakistan u muuqdo in baaq loo dirayo kooxaha argagixisada ah ee saldhigoodu yahay Pakistan si ay weerarro ugu qaadaan Hindiya.

Xiisad dagaal ayaa dhawaan kasoo dhax cusboonaada Pakistan iyo Hindiya, kadib markii madaafiic isku weedaarsadeen xadka gobolka lagu muran sanyahay ee Kashmiir, xiisada ayaana ka dhalatay qarax lagu dilay ciidamo u dhashay Hindiya oo ku sugnaa Kashmiir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -