(Sawirro) Trump oo booqasho ku tegay mid ka Mid ah dalalka ugu halista badan caalamka

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa booqasho aan la shaacinin ugu tegay ciidamada Mareykanka ee jooga dalka Afghanistan.

Madaxaweyne Trump ayaa sheegay in wadahadal uu u socdo kooxda Taliban iyo Mareykanka.

“Taliban waxay doonayaan heshiis”, ayuu Trump u sheegay askarta Mareykanka ee ku sugan saldhigga Bagram, halkaasoo uu sidoo kale kula kulmay Madaweynaha dalka Afhghanistan, Ashraf Ghani.

Booqashadan ayaa ahayd mid uu Madaxweynaha ugu mahadcelinayay ciidamada Mareykanka ee jooga dalkaas, kaddib markii ay maxaabiis kala baddasheen Talibaan, arrintaasoo uu Mareykanka sheegay in looga golleeyahay sidii markale dib loogu bilaabi lahaa wadahadallada labada dhinac.

Waxaa kale oo uu Trump sheegay in Mareykanka uu dhimayo ciidanka ka jooga dalka Afghanistan.

Ciidamo gaaraya 13 kun oo askarta Mareykanka ayaa ku sugan dalka Afghanistan, kuwaas oo halkaas la geeyay 18 sano kahor, kaddib markii uu Mareykanka farageliyay dalkaas, si xukunka looga tuuro Taliban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -