Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo goordhaw ka dhoofay Muqdisho

Ra’iisul Wassaarha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw safar ugu ambo baxay magaalada Washington ee caasimada dalka Mareykanka.

Safarka Ra’isul Wasaare Kheyre ugu dhoofay dalka Mareykanka waxaa ku wehliya Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya, Saraakiil ciidan , Lataliyaal iyo xubno kale oo katirsan Xafiiskiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalka Mareykanka uga qeyb galaya shir ay soo qaban  qaabiyeen Bangiga Aduunka iyo Hay’ada IMF,  Kheyre ayaa sidoo kale la kulmi doona Madax kala duwan ay ku jiraan saraakiil Mareykan ah.

Safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ku aaday dalka Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili dowlada ay wado dadaalo ay ku dooneyso in ay ku xaqiijiso amaanka magaalada Muqdisho ay kusoo bateen falalka amaan daro.

 

Related posts

Shiikh Shariif: “Madaxweyne wixii aad shalay diidaneyd cid kaa yeeleysa ma jirto”

Caydiid Ali

Lacag ku daadatay Wado Mashquul badan iyo Jahwareer ka dhashay aruussiga lacagtaasi

Cabdi Cade

Caasimada Hirshabelle oo gashay Go’doon iyo Maamulka oo ka hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---