Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Lacag ku daadatay Wado Mashquul badan iyo Jahwareer ka dhashay aruussiga lacagtaasi

Lacag ka daadatay baabuur marayay mid kamid ah waddooyinka Mareykanka ayaa waxaa ka dhashay jahwareer iyo saxmad dhanka waddooyinka ah kadib markii dadweyne ay ku kala yaaceen lacagta.

Waxaan xaaladda soo farageliyay booliska si ay u kala eryaan dadkii ku soo xoomay lacagta si ay waddada u furaan.

Booliska ayaa xiray qaar kamid ah dadkii jahwareeraka ka dhaliyay goobta markii ay lacagta ay kasoo daadatay baabuur qafilan oo waddada marayay.

Muuqaallo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay lacagta oo kasoo daadaneyso baabuurka xilli dadka ay kusoo xoomeen si ay u uruursadaan doolarka ku kala firdhay waddada.

Arrintani ayaa shalay ka dhacday gudaha degmada San Diego ee gobolka California dalka Mareykanka.

Booliska waxay sheegeen in markii darawaladda ay arkeen lacagta ay baabuurtooda kaga dhex tageen bartamaha waddada taas oo horseeday in waddada ay xiranto.

Dad ayaa loo xiray dhacdadan halka dadkii xaabsaday lacagta loogu baaqay inay dib usoo celiyaan.

Dhacdadan ayaa ka dhalatay markii ay furantay albaabada mid kamid ah baabuurtii siday lacagta sidaas ayay uga soo daateen boorsooyinkii ay lacagta ku jirtay, lacagtii ayaa qabsatay waddada.

“Lacagtii ayaa meel kasta qabsatay markii ay kasoo daadatay baabuur qafilnaa ee waddada marayay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada waddooyinka oo xilliggaas howlgal ka sameeyay waddada weyn ee gasha California.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay waddada oo xiran xilli dadka maraya waddadaas ay uruursanayaan lacagta halka qaarkood ay ku ciyaarayaan lacagta sida $1 ilaa $20 doolar.

“Waa xaaladdii ugu yaabka badneyd ee aan la kulmo abid” ayuu yiri mid kamid ah dadkii ku sugnaa goobta kadib muuqaalka laga soo qaaday halkaas.

Arrintan ayaa sababtay in xitaa dadkii ay baabuurtooda uga dhex tegaan bartamaha waddada.

Labo qof ayaa loo xiray dhacdadan, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Booliska waddooyinka waxay sheegeen in FBI-da Mareykanka lagu wargeliyay dhacdada, waxay ugu baaqeen dadkii lacagta uruursaday inay isa soo bixiyaan si lacagta ay usoo wareejiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiil Ciidan iyo dad kale oo loo xiray Shirqool lagu dili lahaa Madaxweyne Rajoelina

Cabdi Cade

IGAD oo wada qorshe ciidamo Nabad ilaalin ah lagu geynayo Khartuum

Caydiid Ali

Wasiir hore oo ku baaqay in la baaro Wada shaqeyn ka dhaxeysa Farmaajo iyo Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---