Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir katirsan Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre oo Dacwad laga gudbinayo

Xildhibaano katirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa si weyn uga carooday hadal kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Bare oo qaar kamid ah Xildhibaanada ku tilmaamay kuwa Al Shabaab wakiil u ah.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo kamid ahaa Xildhibaanada Wasiir Goodax ku tilmaamay in Al Shababa wakiil u yihiin ayaa sheegay in kulan gaar ah ka yeesheen hadalka meel ka dhaca ah ee kasoo yeeray Wasiirka.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in dacwad ka dhan ah hadalka Wasiirka Waxbarashada kasoo yeeray sidoo kale ah Xildhibaan Qaran u gudbin doonaan guddiga anshaxa u qaabilsan Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre  ayaa shalay markii uu buuq kusoo dhamaaday kulanka Baarlamaanka sheegay in Baarlamaanka ku jiraan Xildhibaano Wakiil u ah Al Shabaab, waxa uuna si gaar ah farta ugu fiiqay  Xildhibaan Yuusuf Xuseen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiirka Guud ee Al Shabaab oo Sagootiyay ragii weeraray xerada Manda Bay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Addis ababa iyo xog ku aadan ujeedada socdaalkiisa

Caydiid Ali

Madaxa Golaha Ciidamada KMG ah ee Sudan oo la kulmay safiirka Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---