Allbanaadir.com
NEWS

Amiirka Guud ee Al Shabaab oo Sagootiyay ragii weeraray xerada Manda Bay (Sawirro)

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay Muuqaal iyo Sawirro laga duubay sagootin loo sameeyay dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka ku qaaday xerada Manda Bay ee ciidamada Mareykanka ku lahaayeen dalka Kenya.

Muuqaalka iyo Sawiradda Al Shabaab baahiyeen ayaa lagu soo bandhigay sawirada dagaalyahandii weerarka geestay oo is diyaarinaya kuwaa uu sidoo kale kulan sagootin ah gudaha Soomaaliya kula qaatay Amiirka Al Shabaab Abuu Cubeyda.

Al Shabaab sawirada iyo muuqaalka ay baahiyeen ayaa sidoo kale laga dhax arkayaa xerada Manda Bay oo qiic iyo holac uu ka socdo xiligii ay weerarka ku galeen dagaalamayaasha Al Shabaab.

Dagaalyahanada Al Shabaab ee weerarka fuliyay ayaa kasoo kala jeeday dalalka Soomaaliya, Tanzaaniya, Yemen iyo Itoobiya, waxa ayna dhamaan ku dhinteen weerarkii ay ku galeen xerada Manda Bay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lamaane Qarashka arooskooda ku bixi lahaa ugu Deeqay dad dhibaato xoogan heesato

Cabdi Cade

Dowladaha kahor imaanaya mudo kororsiga Farmaajo iyo Golaha Shacabka oo sii kordhay

Cabdi Cade

DEG DEG: Ninkii dilay gabadhii ardayada aheyd oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---