Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Sacuudiga oo Xabsi dhigay 8-qof ay ku jiraan kuwa heesta Dhalashada Mareykanka

Boqortooyada Saudi Arabia ayaa maanta xabsiga dhigtay sideed qof oo u dhaq-dhaqaaqa arrimaha xuquuqda aadanaha, kuwaasoo labo ka mid ahi heystaan dhalashada dalka Mareykanka.

Xariga dadkan ayaa yimid saacado kaddib marki uu Aqalka Wakiilada Mareykanka uu Khamiistii cod aqlabiyad leh ku diiday taageeridda Mareykanka uu siiyo diyaaradaha dagaalka ee Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ee dagaalka kula jira maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa ku warrantay in sideedda qof ee la xiray ay kala yihiin toddoba rag ah iyo haweeneey.

Urur u dooda xuquuqda aadanaha Sacuudiga, saldhigiisuna yahay magaalada London, ayaa sheegay in dhamaan dadka la xiray ay caan ka ahaayeen baraha bulshada. Inta badan waxaa la qabqabtay Khamiistii.

Labada qof ee heysta jinsiyadda Mareykanka ayaa kala ah Badr al-Ibrahim oo ah qoraa iyo dhaqtar iyo Salah al-Haidar oo ah wiil ay dhashay Aziza al-Yousef oo ka mid ah 10 dumar ah oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo hadda ku jira xabsiyada Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

khudbadii Madaxwayne Qoor Qoor ee Xalay oo dhinacyo badan tabaneysa Iyo sirta ku hoos dugan oo laga shakiyay !!

admin

Duqa Muqdisho oo magac cusub u bixiyay Ciyaal Weerada dhibaatada ku haya Muqdisho

Cabdi Cade

Xukun lagu riday ninkii dilay Marxuum Khalid Cali Khalid

Cabdi Cade
Taboola Ads ---