Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo danjireyaal cusub u magacowday dalalka Itoobiya & Maraykanka

Sida ay Allbanaadir online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay dowlada Somalia ayaa danjireyaal cusub u magacowday dalalka Itoobiya iyo Maraykanka.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland C/Xakiin Xaaji Cumar (Camey) oo dhowaan golaha Wasiiradu isku raaceen inuu noqdo safiir ayaa waxaa loo magacaabay danjiraha cusub ee Somalia u fadhiya dalka Itoobiya iyo xarunta Midowga Afrika ee Addis ababa.

Camey ayaa bedelaya danjirihii Somalia u fadhiyey dalka Itoobiya Cali Shariif Axmed oo isna loo wareejiyey inuu noqdo danjiraha cusub ee Somalia u fadhiya Magaalada Washington DC  ee dalka Maraykanka.

Danjire Cali Shariif ayaa buuxinaya booska danjiraha Somalia ee Maraykanka oo banaanaa in muddo ah markii danjirihii halkaas fadhiyey Axmed Ciise Cawad loo magacaabay Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia ku dhowaad sanad ka hor, xilkaasoo uu illaa hadda hayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hal Arrin ku amaanay Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Dagaal culus oo saakay ka socda magaalada Khartuum xilli maanta la filayo in …

Cabdi Cade

Natiijada Imtixaanka Dugsiyada dhexe oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---