Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hal Arrin ku amaanay Madaxweyne Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku amaanay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, dadaalka uu ku bixiyay sidii uu dalkooda ugu soo celin lahaa dhallinyaradii tababarka loogu qaaday Eritrea.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in dalka dibaddiisa waligeedba ciidamo tababar loogu qaadi jiray, balse nasiib darro ku tilmaamay in dhallinyaro dalka laga qaaday oo laga qariyay waalidkii dhalay haddana la inkiray in tababar loogu qaaday Eritrea.

”Ma jirin cid dood ka qabtay ciidan dibadda tababar loogu qaado oo weligood waa la qaadi jiray, waxaase la diiddanaa in kumannaan dhallinyaro ah habeen madow dalka dibaddiisa loo daabulo, markii waalidkood oo war iyo wacaal ka waayey waddooyinka ku baroorteen dhegaha laga furaysto. Golihii Shacabka lagu inkiro oo markii ay xildhibaanadii taliyihii ciidanka waydiiyeenna uu sheegay in uusan waxba ka ogayn, ciidanna uu xooga dalka ka maqnayn.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku amaanay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu waqti galiyay kuna guuleestay in dalka dib ugu soo celiyo dhallinyaradii tababarka loogu qaaday Eritrea oo dowladihii hore inkirtay.

”Waa ku mahadsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu hawshiisa ka billaabay raadinta wiilashaas, in uu dalka dib ugu soo celiyey, in ay maanta qarankooda daafacayaan. Danbi waxaa galay ninkii shalay dal shisheeye u daabulay, afkiisana ka qabsaday waalidkood, danna ka gelin ilmadooda, beenna u sheegay Baarlamaankii Soomaaliyeed” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmkaan Cabdishakuur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -