Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii Iskoolo Buluusiyo & Wararkii ugu dambeeyey

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii xoogganaa ee caawa fiidnimadii ka dhacay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ka dhacay ka soo horjeedka xerada dugsiga tababarka booliska ee loo yaqano Iskool-Buluusiyo, waxaana lala beegsaday goob biibito ah oo ay fariistaan ciidamada Booliska.

Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa Idaacadda ku hadasha afka kooxdaas ee Andalus u sheegay in qaraxu uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray saraakiil iyo xubno dowlada ka tirsanaa oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay oo ku dhow halka loo yaqaano haamaha shidaalka.

Al-Shabaab waxay intaas ku dareen iney dib ka soo sheegi doonaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan oo ahaa mid si weyn looga maqlay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Aamin Ambulance ayaa sheegay in ugu yaraan todoba qof ay ku dhaawacmeen kuwaasoo midkood ay haweeney tahay, iyadoo warar kale ayaa sheegayaan in hal qof uu ku dhintay.

Qaraxan ayaa yimid iyadoo muddo toddobad ah aya magaalada Muqdisho ku jirtay xaalad amni oo wadooyinka intoobada badan ay xiran yihiin, iyadoo taliska booliska uu shalay ka digay Gaari qarax sida oo magaalada ku jira, waxaana weli muuqata in feejignaanta heyadaha amniga ay tahay weli mid hooseysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -