Gudoomiyaha aqalka Sare & wafdi uu horkacayo oo u ambabaxay Magaalada Doxa

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi abdilahi iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Wafdiga ayaa ka koobna Senataro ,Xildhibaano 10 xubnood ah iyo Hoowlwadeeno ka tirsan golaha aqalka sare ee Baarlamanka.

Guddoomiyaha iyo wafdiga uu hogaaminaayo ayaa lagu wadaa inay kaga qeyb galaan magaalada doxa shirweynaha 140aad ee Baarlamaanada Aduunka(IPU)

Shirka ayaa socon doono mudo todobaad ah ayaa waxaa looga hadli doonaa xiriirka iyo iskaashiga baarlamaanada aduunka iyo iyo sidii ay isku dhaafsan lahaayeen khibradaha howlahooda shaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -