Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Ciidanka Danab oo howlgal ka fuliyey degaan ay gacanta ku heysay Al-shabaab

Howlgal qorshaysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ururka 5aad Guutada 16 ee Kumaandooska Danab iyo kuwa Dowlad Gobaleedka Jubbaland ee Daraawiishta ayaa laga sameeyey degaanka Buula Xaaji iyo Lagta Caanoole ee gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa degaanadan ku sugnaa xoogag taabacsan Al-shabaab.

“Howlgalkan lagu burburiyey goobo argagixisada ay dadka shacabka ah kaga qaadi jireen lacago baad ah iyo goobo kale oo ay dadka ku dhibaateyn jireen” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Danab.

Arrinta ayaa ka dambeysay sida sarkaalku sheegay kaddib markii ay ciidamada ka jawaabeen codsi uga yimid shacabka ku nool degaanada ay ciidanka howlgalka sida wadajirka ah uga fuliyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Rooble oo kormeer ku sameeyay Garoonka Aadan Cadde kadibna ka dhoofay ( Sawirro)

Cabdi Cade

Edmundo Gonzalez oo u cararay dal Yurub katirsan kaddib markii la amray in lasoo xiro

Cabdi Cade

Hay’adda Duulista Rayidka oo soo saartay go’aan ku socda Qurbajoogta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---