Faahfaahin: Qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho & Khasaaraha ka dhashay

Waxaa soo baxaya faahfaahino hordhac ah oo ku saabsan Qarax weyn oo caawa fiidnimadii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir ayay wararku sheegayaan in loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu weeraray Bar kontrol oo oo laga ilaaliyo xarunta dugsiga sare ee Booliska oo ku yaalla degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho.

Qaac ka dhashay qaraxan oo daruuro la moodo ayaa cirka isku shareeray sida ay sheegeen dadka degmooyinka waaberi iyo Xamar jabab, iyadoo rasaas xoogan ay rideen ciidamada amniga.

Dugsiga sare ee Booliska (Iskoolo Buluusiyo) ayaa ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee laga hogaaminayo ciidamada amniga ee howlgalada ka wada Magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliska Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn, waxaana aad u adag in xog laga helo goobta ay wax ka dhaceen maadaama ay tahay xili habeenimo ah.

Qaraxan ayaa fadeexad iyo dhabar jab ku noqonaya laamaha amaanka ee dowlada Somalia oo maalmahan magaalada ka waday howlgalo xoogan oo baaritaano ah, iyagoo kala xiray jidadka iyo isku socodka caasimada, waxayna dad badan isweydiinayaan sida uu gaarigan qarxay ku gaaray dugsiga sare ee Booliska oo ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee ciidanka amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -