Allbanaadir.com
NEWS

Banaan bax maanta ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada Somalia (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta banaan bax ka hor dhigay afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya qaar kamid ah naafada ciidanka xooga Soomaaliyeed, kuwaa oo sheegay in dowlada hada jirta aysan siin wax xaquuq ah.

Ciidamada Naafada Qaranka ayaa sheegay in mudo 4-bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah sidoo kale aysan helin wax guno ah, waxa ayna ciidankan Naafada sheegeen in dowlada si xun ula dhaqantay xaalad adagna xiligaan ku jiraan .

Waxa ay sheegeen qaar kamid ah Naafada Qaranka in dowlada hada jirta ay iska hilmaantay dadkii usoo naafoobay Qaranka, waxa ayna Madada Qaranka ka codsadeen in xaquuqdooda siiyaan  .

Banaan baxan ee dhigeen Naafada Qaranka ayaa kusoo aadaya xili maalmo kahor sidan oo kale afaafka hore ee Madaxtooyada banaan bax ka dhigeen xaasas ay ka dhigeen ciidamo booliis ah kuwaa oo iyana sheegay in aan la siin xaquuqdii ay dowlada ku lahaayeen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Howlgal laga sameeyay Xeebta Liido iyo ciidamada oo galay hoteelo iyo maqaayado

Cabdi Cade

Shirweynaha Qurbo Joogta Soomaaliyeed oo ka furmay Istanbul & Hormuud oo Taaba Galisay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dacwad ka dhan ah Farmaajo oo la diyaarinayo iyo Dambiyada loo heesto oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---