Howlgal Ciidamo Huwan ah ka fuliyeen Sh/Hoose oo khasaaro dhaliyay (Daawo Sawirada)

Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay rasaas xoogan lagu furay gaari caasi ah oo la sheegay in uu waday khudaar kala duwan iyo sidoo kale Digaag.

Gaarigan ayaa lagu weeraray deegaanka Ugunji oo hoostaga Janaale, waxaana gaarigaasi rasaas xoogan ku furay sida wararku sheegayaan Ciidanada Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo kale oo Mareykan ah oo garab siinayay.

Ciidamada gaariga rasaasta ku furay ayaa la sheegay in howlgal ka wadeen deegaanka Ugunji ay maamulaan Al Shabaab, waxaana ciidamada oo gaarigaasi ka shakiyay huwiyeen rasaas xoogan.

Inta la xaqiijiyay rasaasta waxaa ku dhimatay haweeneyda laheyd qudaarta iyo digaaga gaariga saarnaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dhoor qof kale ay ku jiraan darawalkii iyo kirishboygii gaariga la weeraray la socday.

Dadka weerarkan ku dhaawacmay ayaa la keenay magaalada Muqdisho isbitaalo kuyaala si loo daweeyo, mana jirto ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay dowlada Soomaaliya oo ku aadan weerarka lagu qaaday gaariga shacabka wateen.

Ciidamada Danab iyo kuwa Mareykanka ayaa xiliyada howlgalada ka sameeyaan qaar kamid ah gobolada dalka waxa ay mararka qaar waxyeelo gaarsiiyaan dad shacab ah oo ku dhaqan goobaha ay howlgalada ka fuliyaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -